Ra’isul Wazaare Kheyre Oo Magacaabay Saddex Waziir Oo Ka Banaanaa Xukuumadiisa.

0
529

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow buuxiyay Wasiiro ka banaanaa Xukuumaddiisa, isagoo magacaabay saddex Wasiir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu magacaabay xilkii uu  ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxaana xilkaas loo magacaabay Saalax Axmed Jaamac oo ahaa Wasiirkii Shaqada iyo Shaqaalaha.

Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Mr Warfaa ayay isku beel ahaayeen Wasiirkii hore ee Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo bishii la soo dhaafay geeriyooday, isagoo bedel u ah.

Fowziyo Maxamed Sheekh ayaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha oo ahaa mid banaanaa, waxaa horay xilkaas isaga casilay C/casiis Lafta Gareen oo loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Saddexdan Wasiir ayaa gebi ahaanba ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, waxaana ay sii kordheyneysa tirada Xildhibaanada Wasiirada ah ee ku jira Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.