Ilhaan Cumar Oo Sheegtay,In Duqeynta Maraykanku Ka Fuliyaan Somalia Ay Ku Dhinteen Dad Rayid Ah.

0
604

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka ayaa sheegtay in dad rayid ah ay ku dhinteen duqeynta ay diyaaradaha drone-ka ah ee Maraykanku leeyahay ka fuliyaan Soomaaliya , iyadoona sheegtay inay ka shaqeynayaan sidii magdhow loo siin lahaa ehellada dadka Diyaaradaha Maraykanka Ay Ku Laayeen Gudaha Dalka Soomaaliya.

Ilhan Cumar Oo la Hadashay Warbaahinta Caalmka ayaa sidoo kale uga hadashay khilaafka kala dhaxeeya madaxweyne Trump iyo xisbiga Jamhuuriga waxayna muujisay sida ay kaga xuntahay dhibaatooyinka soomaalida ku haysata caalmka indhana aysan ka daboolan doonin oo ay wax ka qabandoonta inta karaankeeda ah

Hadalkaani ka soo yeeray Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka ayaa ah kii ugu horeeyey ay kaga hadasho duqeymaha diyaaradaha dowlada maraykanka ay ka geestaan soomaaliya sheegtayna in ay ku laayaa dad shacab ah oo aan waxba galabsan.hase yeeshee wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlada mareynkanka kaasoo ay kaga jawaabayaan hadalka kasoo yeeray ilhaam cumar.

.