Dibad Baxayaasha Dalka Suudaan oo Mar kale Maanta Dhigay Banaanbax ay Kasoo Qayb Galeen Dad Ku Dhaw Hal Million.

0
338

Dibad-baxayaasha Sudan ayaa mar kale billaabay in ay isu soo aruursadaan iyaga oo doonaya in ay ka dhabeeyaan ballan qaadkoodii ahaa in ay Khamiista maanta ah sameynayaan bannaanbax ay ka qeyb-gali doonaan “Hal Milyan oo qof.”

Bannaanbaxa halka milyan oo qof, ayeey ku rabaan in ay ku cadaadiyaan golaha milatariga ee hadda awoodda waddanka haya in ay talada ku wareejiyaan dowlad madani ah, kaddib afganbigi xakunka looga tuuray madaxweynihi hore ee dalkaasi Cumar Al-Bashir.

Golaha Milatariga ee Sudan ayaa maanta sheegay in saddex xubin oo iyaga ka mid ah ay is-casileen kaddib wadahadallo xalay saqdi dhexe ay yeesheen Milatariga iyo madaxa hogaamineysa kacdoonka shacabka.

Millatariga ayaa sheegay in ay aqbaleen inta badan dalabka hogaanka kacdoonka, isla markaana la sameeyay guddi ka kooban xubno ka tirsan Golaha Sare ee millatariga iyo hogaamiyaasha Kacdoonka Shacabka.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana lagu wadaa in bannaanbaxa halka milyan uu ka dhaco magaalada Khartoum ee caasimadda Sudan.

Dibaxyada Sudan ee sababay in milatariga uu afgambiyo dowladdii Jeneral Al Bashir, ayaa soo billowday 19-ki bishii December, kaddib markii ay dadka ka cawdeen sicir barar dhanka nolosha ah.