Degmada Raaso ee Ismamulka Somaalida Itoobiya oo uu M/weyne Cagjar Dhagax Dhigay Kuliyadda Farsamada Gacanta.

0
111

Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar ayaa socdaal uu ku marayay maalmahan gobolada degaanka waxaa uu ku dhagax dhigay mashruuca dhismaha Kulliyada tababarada xirfadaha iyo farsamada oo laga dhisayo degmada Raaso.

Madaxwaynaha ayaa intuu socdaalka ku jiray wuxuu u kuur galay xaaladda dadka ku nool degmooyinka gobolka Afdheer, iyagoo madaxwaynaha uga war bixiyay xaaladda adag ee biyo la’aanta iyo horumar la’aanta ka jirta guud ahaan gobolka Afdheer.

Socdaalka Madaxwaynaha ayaa la filayaa in uu sii socdo isagoo mari doona gobola kale sida Gobolka Shabeelle,Waxeyna Tani Imaaneysaa Iyadoo ay Tahey Markii Ugu Horeysey oo Mashruuc Caynkan oo kalaa Laga Hirgeliyo Degmada RAASO ee Gobolka Shabeele Tan iyo Intii uu Xukunka La Wareegay M/weyne Mutafe Cagjar.