Dagaal Mar Kale Ka Dhacay Tripoli, Iyo Ciidamada Haftar oo Dib Loo Riixay

0
328

Axadii shalay ayey markale dagaalo culus ka dhaceen koonfurta magaalada Tripoli ee caasimada Liibiya.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa la sheegay in ciidamada Haftar ee duulaanka kusoo qaaday magaalada Tripoli dib looga saaray qeybo kamid ah xaafadaha koonfurta Magaalada oo ay qabsadeen sadex todobaad kahor.

Ciidamada Dowlada Caalamka aqoonsan yahay oo taageero ka helaya maleeshiyaad kala duwan oo ay ku jiraan kuwa kasoo jeeda magaalada Misrata ayaa sheegay inay doonayaan in ciidamada Haftar ay ka saaraan gebi ahaan xaafada Cayn Sahra oo ku taal koonfurta Tripoli.

Gen.Haftar oo isagu taageero ka hela dowlado ay ku jiraan Sacuudiga, Imaaraatiga, Masar, Ruushka iyo waliba France ayaa qorshihiisa ahaa inuu la wareego gacan ku heynta caasimada isagoo horey usoo qabsaday inta badan xarumaha laga soo saaro shidaalka dalkaasi.

Dowlada Caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya (GNA) ayaa sheegtay in diyaarado ay leeyihiin dalal shisheeye ay gacan siinayaan ciidamada Haftar, isla markaana duqeyn ay habeenimadii Sabtida geysteen diyaaradahaasi ay ku dhinteen dad shacab ah, Dowlada GNA ayaan faah faahin dowlada duqeynta cirka ka taageeraysa Haftar.

Hay’ada Batroolka ee dalka Liibiya ee loo yaqaan NOC oo horey dhex dhexaad uga ahayd dagaalka ka socda Liibiya ayaa hada u muuqata inay u jeen jeeraan dhinaca Haftar, waxayna shalay maamulka sadex xarun oo shidaalka laga soo saaro shaaciyeen inay taageersan yihiin hawlgalka Haftar wado.

Dagaalka uu wado Haftar ayaa sidoo kale meesha ka saaray shir dib u heshiisiin ah oo ay waday Qaramada Midoobay oo lagu waday inuu dalkaasi ka dhaco bartamihii bishan iyadoo aysan dhaqan gelin xabad joojintii ay ku baaqday UNta.

In ka badan 270 qof ayaa ku dhintay dagaalada todobaadyadii lasoo dhaafay ka socda Tripoli iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 1000 qof.