Ciidamadii hore ee Naafadda Qaranka ee ku dhaawacmay dagaalkii 77 ayaa waxa ay ku hor banaanbaxeen Madaxtooyadda Somaliya, xilli ay ka cabanayaan Mushaar la’aan.
Ciidanka Naafadda ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo haysatay waxaana ay sheegeen dowladda Somaliya inay iska ilowday Ciidankaasi oo aysan daryeel siinin.
Naafadda Xoogga dalka Somaliya ayaa sheegay iyaga & carruurtooda inaysan helin wax mushaar ah muddooyinkii dambe, haddana dowladda ay ka doonayaan mushaarkooda.
Waxa ay sheegeen inay u soo dhaawacmeen difaaca dalka & shacabka Somaliyed, xilligana ay mudan yihiin daryeel gaar ah inay ka helaan dowladda Somaliya, balse aysan mudnayn dayaca hadda haysta.
Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa Mushaar siin jirtay Ciidamada Naafadda Xoogga dalka Somaliya, balse muddooyinkaan dambe ayeeysan helin wax Mushaar ah.
















