Magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaarka maamulka Jubaland waxaa maanta gaaray wufuud ka socota dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaano,agaasimayaal iyo saraakiil ciidan.
Markii ay ka dageen Kismaayo waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland,xildhibaano iyo dadyow kale.
Inkastoo aan si dhab ah looga ogeyn socdaalka wufuudan ka socota dowlada Federaalka hase ahaatee wararka qaar oo la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in ay gogol xaar u yihiin socdaal uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre qorsheynayo in uu maalmaha soo socda ku tago Kismaayo.
Wufuuda maanta gaartay Kismaayo waxaa sidoo kale qeyb ka ah madax dhinaca baratakoolka u qaabilsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha ,saraakiil iyo ciidamada ilaalada gaarka ah madaxtooyada ee loo yaqaan koofiyad casta.
Waxaa la fahamsan yahay in uu jiro heshiis hoose oo dhexmaray maamulka Jubaland iyo dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya tan iyo markii ay soo baxeen warar sheegaya in dowlada Federaalka ay fasaxday lacag $1 million ah oo ay horey ugu deeqday maamulka Jubaland ee hogaamiyo Axmed Madoobe.





















