Wadooyinka Qaar Ee Muqdisho Oo Maanta Xiran iyo Sababta Loo Xirey Waxa Ay Tahey.

0
570

Waxaa saaka xiran inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dadka ayaa saaka kusoo toosay iyadoo ay xiran yihiin wadooyinka waxaana jirin gaadiid isticmaalaya wadooyinka xiran dadkuna waa kuwa lugeynaya.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada federaalja gaar ahaan kuwa loo yaqaan koofi casta ayaa lagu arkayaa wadooyinka xiran iyadoona aan la ogeyn sababaha xirnaanshaha wadooyinkan.

Wadooyinka xiran waxaa kamid ah wadada tarabuunka, wadnaha, isgoyska Banaadir iyo qaar kale.

Si kastaba xirnaanshaha wadooyinka ayaa kusoo beegmaya xili mudooyinkii ugu dambeeyay ay falal amni darro ka dhacayeen magaalada Muqdisho.