Generaal Indha Qarshe ayaa la kulmay taliyaasha guutada 11aad iyo qeybta 43aad isagoo ka dhagaystey warbixino xaalada guud ee ciidamada xoogga dalka ee kahowlgala Jubbaland.
Ciidamada xoogga dalka ayaa qeyb ka ah howlgalo ka socda deegaano kamid ah dowlad goboleedka Jubbaland.
Maamulka Jubbaland ayaa hore dhowr jeer ugu dhowaaqay inay ku qaadayaan weerar saldhigyada ay ku leeyihiin gobolada Jubbooyinka ururka AL-Shabaab hase yeeshee illaa iyo hadda ma jirto tuulo kamid ah gobolka Jubbada Dhexe oo ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada maamulka Jubbaland tan iyo markii lagu dhowaaqay dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Indhoqarshe ayaa qeyb ka ah wafdiga uu horkacayo ra’iisul wasaare Kheyre oo ku sugan magaalada Kismaayo.












