
Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa barqanimadii maanta ku qarxay inta u dhexeysa tiyaatarka qaranka iyo maqaayad lagu magacaabo Dalsan.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegayaa in uu ka agdhawaa barkantarool ay ciidamada amaanku kawadeen howlgalo baaritaano ah.
Ilaa iyo hada inta la xaqiijiyay 7 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxa dhaawacana intaas waa uu ka badan yahay inkastoo marba marka ka dambeysa uu sii kordhayo khasaaraha uu dhaliyay qaraxa.
Goobaha uu qaraxan ka dhacay ayaa ah goobo mashquul badan oo ay ku yaalaan xarumo dowladood barkantaroolo iyo mehrado ganacsi.
Waxaa haatan socda gurmad loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa gaari iyadoona gaadiidka gurmadka deg dega ah ay wadaan daad gureynta dadka ku waxyeeloobay qaraxa.
Waa qaraxii labaad oo mudo labo todobaad gudihiis ka dhaca mehrado u dhow xarumaha dowlada gaar ahaan madaxtooyada isla markaana ay sheegtaan Alshabaab.
Si kastaba ha ahaatee masuuliyiinta dowlada ayaanan wali wax war ah kasoo saarin qaraxan dhaliyay dhimashada iyo dhaawaca.







