Xuska Todobadka Magaalooyinka oo Maanta Lagu Soo Gunaanadey Magaalada Jigjiga ee Caasimada Ismaamulka DDS.

0
370

Waxaa maanta lasoo gabagabaynayaa xuskii toddobaadka magaalooyinka oo muddo 7aad ah ka soconayay caasimadda degaanka ee Jigjiga.

Haddaba waxaa hoolka shirarka ee KAALI lagu qabtay xafladdii xidhitaanka xuska toddobaadka magaalooyinka, waxaana kasoo qayb galay madaxda dawladda degaanka usaraysa oo uu u horeeyo madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar, waxaa sidoo kale kasoo qayb galay madax heer fadaraal ah.

Xafladdan ayaa inta ay socoto waxaa abaal gud la guddoonsiin doonaa xubnihii firfircoonida muujiyay intuu xusku socday, waxaa sidoo kale lamagacaabi doonaa magaalada martgalin doonta xuska kan xiga.