Wasiiradda Maamulka K/galbeed oo Maanta La Filayo In La Horgeeyo Golaha Barlamaanka.

0
624

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco uu horgeeyo xildhibaannada Baarlamaanka Golaha Wasiirradda uu dhawaan ku dhawaaqay.

Kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa furmay Isniintii la soo dhaafay, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye uu xildhibaanada ku war-geliyey in maanta oo Arbaco ah la horkeeni doono Golaha Wasiirada cusub si ay u ansixiyaan.

Baydhabo waxaa ka soconaya diyaar-garoowga furitaanka kulanka Baarlamaanka Koonfur Galbeed si loo horgeeyo Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulkaas.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Golihiisa Wasiirada ay noqon doonaan kuwo u adeega Shacabka, isla markaana meel iska dhiga danaha gaarka ah,waxaana xildhibaanada uu ka codsaday inay ansixiyaan.