Rag hubaysan ayaa Maanta Suuqa Degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin waayeel ahaa oo suuqaasi dhar ku iibinaayay.
Dilka ayaa ka dhacay meel ku dhaw Afar Irdoodka Degmada Xamar weyne, ninka la dilay oo waayeel ahaa ayaa miis ku iibinaayay dhar.
Qof ka mid ah dadkii goobjooga u ahaa dilkaasi dhacay ayaa sheegay in dableyda oo watay Bistoolado dhawr xabadood inay madaxa kaga dhufteen marxuumka, kadibna ay halkaasi ka baxsadeen.
“Nin waayeel ayuu ahaa oo Suuqley ah dharka ayuu iibin jiray, miis ayaa meesha u yaalay isaga oo miiskiisa kor fadhiya ayaa lagu dilay dadkii dilka gaystayna, waa ay ka baxsadeen goobta.’ Ayuu yiri qof ka mid ahaa dadkii Suuqa joogay.
Ciidamada Saldhiga Booliska Degmada Xamar weyne ayaa soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay, halkaasi oo baaris iyo dad qa qabasho ay ka bilaabeen.
Falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho gudaheeda oo dableyda ay gaysanayaan dilalka aan kala sooca laheyn.











