Magaalada Jigjiga oo Diyaar Garaw Ugu Jirta Xuska Dhaqanka Magaalooyinka iyo Sida Jawiga Sida uu Yahey.

0
562

Waxaa si habsami leh usoo gabagaboobay, diyaarintii goobihii loogu talagalay martida kasoo qayb galaysa xuska toddobaadka magaalooyinka oo ka dhacaya magaalada Jigjiga.

Haddaba meelaha loo diyaariyay martida ayaa waxaa kamid ah, dul qabaw, banaanka wayn ee dugsiga Wiil waal, Mac’hadka tababarka macallimiinta, Kulliyadda caafimaadka ee Jigjiga iyo goobo kale.
Xuska toddobaadka magaalooyinka oo la xusayo markii 8aad oo ay martigalinayso caasimadda degaanka ayaa lafilayaa inuu hordhiciisu sii bilaabmo maalinta bari.