Khilaaf cusub ayaa soo kala dhexgalay Dowladda Dhexe ee Somaliya iyo Maamulka Hurshabeelle, sida ay Shabakadda Dhacdo.com u sheegeen masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.
Wararka ayaa sheegaya in khilaafkan uu yimid kadib markii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay bixin weysay dhaqaallihii loogu tala galay Maamulka Hirshabeelle.
Dowladda Dhexe ayaa sidoo kale la sheegay inay balamo dhawr ah uga baxday Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo Golaha Iskaashiga uga baxay Dowladda darteed.
Khilaafkan cusub ayaa xoogeystay kadib markii Madaxweyne Waare uu cadaadis kala kulmay Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulkiisa oo bilooyinkii ugu dambeeyay mushaar la aan ahaa.
Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Somaliya oo ka soo jeeda Hirshabeelle ayaa wada dadaalo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa khilaafkan cusub.











