Kambanigii Sameeyey Daraasada Shidaalka Soomaaliya ee Spectrum oo Ka Hadley Muranka Kenya.

0
575

Shirkadda Spectrum oo ah shirkaddii sahminta shidaalka ka sameysay Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii London ka dhacay dhawaan aan marnaba lagu iibgeeynin xermooyin shidaal ah.

Sidoo kale shirkadda ayaa intaa ku dartay in dhulka sahminta iyo sahanka shidaal baarista laga sameeyay dhul ay leedahay dowladda Soomaaliya, waxaana ay meesha ka saartay in gabi ahaanba lagu soo daray shirka xudduud baddeedka ay ku muransan yihiin labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalka ka soo baxay Spectrum ayaa waxaa lagu soo darray  qariirada muujineysa dhul badeedka sahanka laga sameeyay iyo qeybta dhul  badeedka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya.

 Hadaba hoos Akhriso Qoraalka ka soo baxay shirkadda :