Dowlada Kenya ayaa wax ka bedashay hadaladii hanjabaada ahaa ee maalmihii lasoo dhaafay kasoo baxayey Nairobi, kadib kulan dhexmaray Golaha Amaanka iyo Wasiirada Arrimaha dibada ee Kenya.
Monica Juma Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Kenya ayaa Arbacadii shalay wareysi ay siisay warbaahinta Kenya ku sheegtay in ay diyaar u yihiin wadahadalka iyo in la xaliyo khilaafka soo dhexgalay labada dal ee jaarka ah (Kenya iyo Somaliya).
Kenya ayaa 22kii bishan Feberaayo dacwad la xariirta xurgufta xaduuda bada ee Soomaaliya u gudbisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Ms.Juma ayaa sheegtay inay jawaab wanaagsan ay ka heshay inta badan dalalkii ay arrintan xiriirka kala sameysay iyadoo sheegtay in dhamaan dalalka Caalamka ku booriyeen in dalka Kenya wadahadal la galo Soomaaliya si arrintan xal wanaagsan looga gaaro.
“We are committed to resolving any disputes in a negotiated manner and we’re hoping that we’ll find the solution to the problem between ourselves and our brothers next door because our destinies are interlinked,”
“…Waxaan diyaar u nahay inaan xal ka gaarno xurguf kasta ama khilaaf kasta, waana ku rajo weynahay inaan xal u helno arrintan naga dhaxeysa anaga iyo walaalaheen deriska nahay sababtoo ah meelna uma kala socono….” ayey tiri Ms. Monica Juma.
Hadalada kasoo baxay haweenayda hogaamisa Wasaarada arrimaha dibada ee Kenya ayaa si weyn uga duwan hadaladii ay adeegsatay shirkii jaraa’iid oo ay qabatay asbuucii lasoo dhaafay kadib markii shirkii Golaha Wasiirada Kenya looga hadlay xiisada xaduuda bada ee Kenya iyo Soomaaliya.
Ms.Juma ayaa asbuucii hore ku goodisay in Kenya ay cunaqabateyn
saari doonto Soomaaliya hadii aysan “Raali gelin” ka helin dowlada Federaalka Soomaaliya.











