Puntland Sarifka Lacagaha Qalaad oo Hoos U Dhac ad u Darani Ku Yimid Kadib Doorashadii Sideedi Bishan Dhacdey.

0
456
Kaddib doorashadii siddeedii Jannaayo 2019ka, waxaa hoos-udhacay sarifka lacagaha ee suuqyadda Puntland. Magaalada xarunta ah ee Garoowe halkii dollar [1$] ayaa waxaa lagu sarifayaa maalintii labaad 30-kun oo Shillin-Soomaali, xilli uu horey u ahaa 36-kun, si la mid ah magaalada ugu weyn ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayuu hoos u dhacay sarifka dollarka.
Labo qodob ayaa loo sababeeyay hoos-udhaca sarifka suuqyadda Puntland,midda koowaad ayaa lagu sheegay lacagihii badnaa ee xilliga doorashada soo galay deegaannada Puntland.
Arrinta labaad ayaa ah wareegtadii madaxweynaha Puntland uu ku hakiyay xisaabadka bangiga dhexe ee Puntland, iyadoo la sheegay inaysan jirin wax lacag ah oo laga saaray xisaabadka dowladda.
Ganacsatada ayaa soo dhaweeyay markiiba hoos-udhaca sarifka dollarka,laakin dhibaatadda ayaa wali ah inaysan waxba iska beddelin qiimaha maceeshadda.