Xubno uu Horkacayo Commissioner C/raxmaan Dheere ayna Wehiliyaan Madaxa Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda Maxamuud Maxamed Xasan (Sandheere) iyo Avv. C/naasir ayaa Maanta waxa ay Kormeer Ku Tageen Xarumaha Xisbiyada Kala ah Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed,Xisbiga Midnimada iyo Caddaaladda (TIIR) iyo Xisbiga Wadajir Kuwaasoo Dhamaan ay ka Socdaan Hawl maalmeedkii Shaqada Xarumaha.
Kormeerkan ayaa waxaa Sidoo Kale Qayb ka ahaan lahaa Labada Xisbi ee Kala Ah Xisbiga Horumarinta Soomaaliyeed iyo Xisbiga Samu oo Labadaba aysan Maanta Suuragal Noqonin In Xarumahooda La Tago kadib Markii Waqtigu Soo Idlaadey Hawmaalmeedkii Shaqaduna Dhamaatey.
Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada ayaa Dadaal ugu Jira In Dalka Doorasho Qof iyo Cod Ka Dhacdo Sanadka 2020-2021 Si Taas Loo Xaqiijiyana Kormeerku uu La Xiriiro Xog ogaalnimada Xisbiyadii Shahaadada kmg Lasiiyey ayuu Yiri Madaxa Xafiiska Diiwaagelinta Xisbiyada Siyaasadda Md Maxamuud Maxamed Sandheere oo La Hadlayey Qaar Kamid ah Madaxda Xarumaha uu Kormeerku Gaarey.
Mid Kamid ah Madaxda Maanta uu kormeerku Gaarey Yaasiin Maaxi Macalinn Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyed(ssup) ayaa Soo Dhaweeyey Kormeerkan iyo In Xarunta iyo Xafiisyada Xisbigu ku Hawl Galo ay Kormeer ku yimaadaan Xubnahan Isugu jira GMDQ iyo Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda,isagoona ka Codsadey GMDQ in ay Kafekeraan Sidii Gudiga iyo Xafiiska Diiwaangelinta Looga Soo Rari Lahaa Goobta ay Hadda Ku Hawl Galaan oo Dadweynaha iyo Xisbiyadaba aaney u Sahlaneyn in Gudiga ay la Wadaagaan Wixii Talo iyo Tusaale ah,ugu Danbeyntiina Kormeerka ayaa kusoo Idlaadeyy Jawi Hagaagsan.