Gudoomiyaha Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir Jacfar oo Xaley Hoygiisa Lagu Weerarey Bamb Gacmeed.

0
897

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar bambaano oo xalay lagu qaaday Guriga Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar..

Inta la xaqiijinayo ilaa Labo ruux oo ku sugnaa guriga ayaa ku dhaawacmay weerarka waxaana labada ruux la sheegay in ay ahaayeen ilaalada guddoomiyaha degmada.

Sidoo kale wararka ayaa intaa ku darraya in rasaas ay fureen Ilaalada  Guddoomiyaha ay ku geeriyootay haweeney wadatay canug yar oo saarneyd  mooto bajaaj.

Ciidamada Ammaanka oo gaaray guriga la weeraray ayaa howlgalo baaritaano ka sameeyay xaafadaha ka ag dhow guriga guddoomiyaha degmada Dayniile.

Ma’aha markii ugu horeysay oo Bam gacmeed lagu weeraray Guriga Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar oo horay u soo noqday guddoomiyaha degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.