Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Maalintii 5’aad Kormeer Ku Maraya Xarumaha Xisbiyada Siyaasadu Ku Leeyihiin Muqdisho.

0
3340

Iyadoo Beryahanba ay Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasaddu ay Kormeerayeen Xarumaha Xisbiyada Siyaasaddu Ku Leeyihiin Caasimadda Muqdisho Ayaa Maanta Waxa ay Kormeer Ku Tageen Xarumaha Shan Xisbi Siyaasadeed,kuwaasoo Si Heer Sare ah ay Madaxda Xisbiyadu ugu Soo Dhaweeyeen Gudiga iyo Xubnaha Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada oo ay Horkaceysey Gudoomiyaha GMDQ Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey).

Xarumaha Maanta Madaxdu Kormeerka Ku Tageen Ayaa Kala Ahaa Xisbiga Ileys,Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka,Xisbiga Jiinka iyo Xeebaha,Xisbiga Sinnaanta Midnimada iyo Nabadda,iyo Xisbiga Midawga Nabadda iyo Horumarka,Kuwaasoo Dhamaantood Madax Ka Tirsan Xisbiyadu Ku Qaabileen Gudiga Kormeerka Xarumahooda Magaalada Muqdisho Ku Yaal.

Ugu Danbeyntiina Kormeerka Maanta ay Xarumaha Xisbiyada Ku Tageen GMDQ iyo Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya ayaa Kusoo Idlaadey Jawi Hagaagsan iyo Is Faham Nabadeed,iyadoo uu Kormeerku Sii Socon Doono Ilaa Laga Wada Tago Xarumaha Xisbiyada Dhiman ee aan Wali La Tagin Sida Ay Sheegtey Gudoomiye Xaliima Ismaaciil Ibraahim(Xaajiyo Xaaliima Yarey) Gudoomiyaha GMDQ.