Qaar Kamid ah Xisbiyada Siyaasdda Soomaaliya oo Maanta Shir Ku Yeeshey Magaalada Muqdisho.

0
2218

Kulankan oo Ahaa Mid Lagu Gorfeynayo Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka ayaa Waxaa Kssoo Qayb Galey Masuuliyiin ka Kala Socdey Xisbiyada Dalka Ka Jira Kuwaas oo Kala ahaa Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed, Xisbiga, Xiis,Xisbiga Horumarinta,Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyada,Xisbiga Midnimo Qaran,Xisbiga Samu,Xisbiga Ileys,Xisbiga U Hiili Dadkaaga,Xisbiga Samadoon,Xisbiga Umadda.

Dood iyo Falaqeyn Dheer Kadib Waxey Madaxda Xisbiyadu Isku Af garteen Qodobada Soo Socda:-

1-Waxaan Ugu Baaqeynaa Barlamaanka iyo Madaxda Dawladda In Khilaafka Hadda Taagan Lagu Dhameeyo Wada

Hadal iyo Isfaham,Loona Hugaansamo Shuruucda Dalka U yaalla.

2-Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalku Waxey Walaac Ka Muujinayaan In Khilaafkani Dib u Dhac Ku Keeni karo Hannaanka Doorashooyin Dalka Ka Dhaca oo Qof iyo Cod ah sanadka 2020,iyo Dhameys Tirka Xeerarka iyo Dastuurka Dalka,Lana Meel Mariyo Xeerka Doorashooyinka oo Muddo Xukuumada Dalku Haysato.

3-Xisbiyadu Waxey Ka Tacsideynayaan Dadkii Ku Dhintey Rabshadihii Dhawaan ka Dhacey Magaalada Baydhabo Waxey Shacabka Reer Baydhabo Ugu Baaqayaan In ay Is Dajiyaan,Jawi Nabadeedna Magaalada Lagu Soo Celiyo.

4- Axzaabta Siyaasadeed ee Maanta Ku Kulmey Hotel SYL Waxey Magacaabeen Gudi Ka Kooban 7-Xubnood oo Qayb ka Noqon Doona Dhexdhexaadinta Khilaafka Soo Kala Dhex Galey Hay’adaha Dastuuriga ah ee Qaranka.

Ugu Danbeyntiina Madaxda Xisbiyada ayaa Ugu Baaqey Dalalka Geeska Africa Sida Dawladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya in ay Gacan Ka Geystaan Joojinta Colaadaha U Dhaxeeya Shucuubta Dalalkaas Ka Kala Tirsan,Si Loo Helo Jawi Nabadeed oo Bulshooyinku ku kala Faa’iidaan iyo Isdhex gal,iyadoo Kulan Madaxeedka Xisbiyada Dalku Kusoo Gaban gaboobey Jawi Hagaagsan.