Waxaa goor dhaw si rasmi ah u bilaabatay codeynta wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Doorashada ayaa waxaa u tartamaya shan musharax iyadoo hore dhowr jeer dib loo dhigey doorashada Koofur Galbeed, kuwaa oo dhamaantood ku sugan hoolka doorashada ay ka socto.
Mas’uuliyiin iyo waxgarad ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ayaa marar badan oo hore dalbaday in dib loo dhiggo doorashada maanta, hasse ahaatee baaqyadaasi ma noqon kuwo hirgala.
Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan ay ku sugan yihiin wadooyinka magaalada,Waxaana La Saadaalinayaa in uu Soo Baxo Midkood Labada Musharax ee Kala Ah C/casiis Lafta Gareen iyo Saransoor,Hase Ahaatee Wixii Soo Baxa Waan Arki Doonaa Insha allah.











