Ciidamada Booliska ah ee Baydhabo La Geeyey oo Xildhibaano Barlamaanka FS Ka soo Horjeesteen.

0
373

Iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya maanta magaalada Baydhabo u dirtay ciidamo Booliis ah ayaa waxaa arintaa siweyn uga soo horjeestay kuna tilmaamay in ay fara-galin tahay xildhibaanno ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka lagana soo doorto Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay tallaabadan ay dowladdu qaaday.

Wuxuu sheegay in xildhibaanka in dowladdu waligeed xitaa Labo askari ku taageerin maamulka Koonfur Galbeed dagaallada uu kula jiro sida uu hadalka u dhigay kooxaha Cadawga, laakiin wax lala yaabo tahay in ciidamo hubeysan la keeno magaalada xili loo diyaar garoobo doorasho hannaan nabdoon ku socta.

Aadan Madoobe ayaa intaa ku daray in aysan aqbali doonin in wax aysan raali ka aheyn shacabka Koonfur Galbeed lagu qasbo, isaga oo uga digay dowladda in ay burbur u horseedo bulshada.

Doorashada 05 bisha la filayo in ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku loolami doono inta la ogyahay ilaa saddex musharax oo kale ah Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur, Cabdicasiis Lafta –Gareen iyo Xusseen Cismaan Xusseen, iyadoo musharixiintii kale dhawaan ku dhawaaqeen in ay u tanaasuleen Mukhtaar Rooboow kuna taageeri doonaan doorashada.