Barlamaanka Federalka Soomaaliya oo Maanta La Filayo in uu U Codeeyo Ama Ansixiyo Miizaaniyadda Dawladda ee 2019ka.

0
532

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in oo Axad ah Taariikhduna tahay 30/12/2018, kulan ku yeeshaan xaruntooda Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka.

Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,iyadoo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa.