Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulankii maanta ee golaha wasiirrada ayaa faray dhammaan wasiirrada xukuumadda in kahor dhammaadka bisha December ay dhamaystiraan hawlaha uga harsan qorsha hawleedka sannadka 2018-ka.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhammaystirka qosha howleedka sannadkaan ay fududaynayso in si fudud loogu gudbo qorshayaasha qaran ee sannadka 2019.
Kulanka golaha wasiirrada ee maanta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dhammaan warbixinno iyo hal-beegyada tubaha ee qorshuhu ahaa in fulintooda lagu guulaysto sannadkaan dhammaadka ah.
Shirka Xukuumadda ayaan Lagu Soo Hadal Qaadin Meelmarinta Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo La Sugayey in Dhamaadka Bishan Sep-Loo Gudbiyo Barlamaanka Kaas oo Dhawaan Xisbiyada Siyaasadda Dalku Gudbiyeen Aragtidooda Ku Aadan Wax Ka Bedelka iyo Ku Darista Xeerka oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiintu Soo Bandhigtey.











