Ciribtirka Gudniinka Fircooniga Qaaradda Africa oo Dawladda Dalka Ingiriisku Ku Bixineyso Adduun Dhan $64M.

0
402

Dowladda Britain ayaa waxa ay qaaradda Afrika ugu yaboohaysaa lacag dhan 50 milyan oo giniga Istarliinka ah oo u dhiganta 64 milyan oo doolar si ay gacan uga gaysato joojinta gudniinka fircooniga.

Lacagtan oo la isticmaali doono shanta sano ee soo socota ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu joojiyo oo loogaga hortago dhibaatooyinka haweenka ka soo gaara gudniinka fircooniga ah.

Dowladda UK ayaa sheegaysa in tani ay tahay maalgashigii ugu weynaa taariikhda dunida ee looga gol-leeyahay in gudniinka fircooniga lagu ciribtiro wixii loo gaaro 2030-ka.

Caadadan oo looga dhaqmo meelo badan oo Afrika ka mid ah, ayaa waxay tahay mid gabdhaha looga jarayo qeyb ka mid ah xubinta taranka.

Hay`adda ActionAid ayaa soo dhoweysay deeqda UK, balse waxay sheegtay in diiradda la saaro gudniinka oo keliya inuusan ku filneyn cirribtirka tacaddiyada ka dhanka ah haweenka.

Xirmadan gargaarka ah ayaa lagu taageeri doonaa ururrada sida mashruuca Saleema ee dalka Sudan, oo ujeeddadiisu tahay inay gabdhaha tusiyaan inay awood leeyihiin haddii aan la gudin, iyo sidoo kale in duqeyda bulshada la wacyigeliyo.

Wasiirrada ayaa sheegtay in lacagta ay sidoo kale faa`iido u leedahay UK, iyadoo loo adeegsan doono yareynta khatarta in gabdhaha la dhoofiyo si loo soo gudo.

Gudniinka gabdhaha ayaa sharci darro ka ahaa UK, tan iyo sanadkii 1985, sharci la soo saaray sanadihii 2003 iyo 2005 ayaa dembi ka dhigaya in muwaadiniinta Britain iyo dadka sida rasmiga ah u deggan ay caadadaasi ku sameeyaan meel ka baxsan Ingiriiska.

Dowladda ayaa sheegtay inay jiraan haween iyo gabdho lagu qiyaasay 24,000 oo ku nool Ingiriiska oo khatar ugu jira gudniinka.

Kaddib marka lagu dhawaaqay deeqda gargaarka ah, xoghayaha horumarinta caalamiga ah Penny Mordaunt ayaa sheegtay in gudniinka aan laga cirib tiri Karin UK, ilaa dunida laga cirribtiro.

Anne Quesney, oo ah la taliye sare oo xuquuqda haweenka ah kana tirsan hay`adda ActionAid ayaa ku tilmaantay deeqdaasi mid muhiim u ah ciribtirka mid ka mid ah tacaddiyada ugu ba`an ee loo geysto haweenka iyo gabdhaha.