Barlamaanka Aqalka Sare oo Shaaciyey In ay Ku Guuleysteen Dhameynta Khilaafki U Dhaxeeyey Dawladda Dhexe iyo M/goboleedyada.

0
471

Gudiga Golaha Aqalka Sare ee Dhex dhexaadinta Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda  ayaa Ku dhawaaqay in la dhameeyay Khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda Iyo Maamul Goboleedyadda.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka  sare ayaa Warbaahinta u sheegay in arintan ay ku timid dadaal ay  sameeyeen golaha Aqalka Sare ee howshan mudo ku howlanaa.

Xildhibaan Faroole ayaa ahaa gudoomiyaha  guddi loo xil saaray soo afjaridda Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Waxaa uu sheegay in Aqalka Sare ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen dadaallo ku aadan in Aqalka Sare uu qaato doorkiisa ku aadan dhameynta Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyaddda.

Dhawaan ayaa lagu waddaa in uu dhexmaro kulan Maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya,kaasoo lagu shaacin doono kulankii ugu horreyay ee yeeshaan labadda dhinac tan iyo markii uu bilowday Khilaafka.