Shirka Amniga ee Maanta Baydhabo ka Furmey oo Qaar Axzaabta Siyaasada Kamid ahi Dhaliileen.

0
613

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qaar Kamid ah Axzaabta Siyaadda Soomaaliya ayaa Dhaliil usoo Jeediyey Shirka Maanta ka Furmey Baydhabo iyagoo Sheegey in Ka qayb Galka Shirku aanu Dhamaantiis aheyn kuna Koobneyn Magaca La Huwiyey ee ay Jiraan Dano Qaranku Leeyahey oo looga Wada Hadlayo Ayna Axzaabta Siyaasadu Xaq u Leeyihiin Ka Qeyb Galka Danaha Qaranka.

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa Sheegay in Shirkaas aan Axzaabta Laga Qayb gelin ayna Yihiih kuwo Xaq u leh in ay Qayb ka noqdaan Shir kasta oo ka Dhacaya Gudaha iyo Debedda Loogana Hadlayo Danaha Qaranka Soomaaliya,Hadii AAn Laga Qayb gelinna uu Noqonayo Mid Dano Gaara Laga Leeyahey ama Kooxo Gaar ahi Wataan.

Annagu Waxaan Nahey Xisbi Siyaasadeed oo Si Waafaqsan Qaanuunka dalka Ku Sameysmey Masiirka iyo Talada Dalkana Wax ku Leh,Maadaama Waxaa loo Socdaa ay Yihiin Doorasho Qof iyo Cod ah,Maadaama Laga Hadlayo Amniga Qaranka iyo Talooyinka Caalamka Loo Gudbinayo Intuba waa kuwo aan Xaq u leenahey in aan Qayb ka ahaano,Hadiise Ay dhacdo In Si Gaar ah Kooxi Wax u Farsameyso Ma Noqonayaan Waxa Shirarkaas Kasoo Baxa Kuwo Axzaabta Lagu Metelo.

Annagu Waan ognahey Inta Ajende Qarsoon Shirkaas Dhexdiisa Looga Wada Hadlayo Hase Yeeshee Marka Go’aanadiisu Soobaxaan Ayaa Waxaan Soo Saari Doonaa Aragtideena ku aadan Shirka,ayuu Yiri Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriaga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux Timajilic oo Shabakada Warbaahinta Warsom Wax ka Waydiisey Shirka Amniga Qaranka ee Maanta Baydhabo Ka Furmey.

warsom2011@gmail.com