Magaalada Muqdisho oo Nabadoon Xuseen Geedi Jimcaale lagu Diley Caawa fiidkii.

0
604

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw ku dilay degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho nabaddoon magaciisa lagu sheegay Xusseen Geedi Jimcaale oo dhinaca kalana lagu sheegay in uu ganacsade ahaa.

Dhalinyaro bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay nabaddoon ku toogteen gurigiisa oo ku yaala degmada Howlad-wadaag ee gobolka Banaadir.

Tan iyo markii ay bilatay bisha Barakeysan ee Ramadaan magaalada Muqdisho waxaa ku sii badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo odayaasha, saraakiisha ciidamada dowladda iyo dadka kale ee shacabka oo siyaabo kala duwan dilalkoodu u dhacaan.

warsom2011@gmail.com