Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux Timajilic Gudoomiye Kuxigeenada Xisbiga,Xoghayaha Guud ee Xisbiga Gudiga Fulinta Xisbiga Waxey Hambalyo Ku Aadan Bi;ashada Bisha Ramadaan U Direen Guud ahaan Muslimiinta Caalamka Gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed Meel Kasta oo ay Caalamka Kaga Noolyihiin.
Gudoomiyaha Xisbiga Timajilic oo Warbaahinta la Hadlayey ayaa waxa uu Yiri:-
Anigoo Ku Hadlaya Magaca Xisbiga Midnimada Jamhuuriga,Magaca Gudiga Fulinta iyo Kan Dhamaan Xubnaha Xisbiga ee Heer Qaran,Heer Dawlad Goboleed, Heer Gobol iyo Degmo Waxaan Hambalyo Ku Aadan Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan u Dirayaa Dhamaan Shucuubta Islaamka,Gaar ahaan Dadka Soomaaliyeed Meel Walba oo ay ku Noolyihiin,Isagoo u Rajeeyey In alle Danbi dhaaf Siiyo ayna Ka Faa’iideystaan Khayraadka Faraha Badan ee Bishan ku jira,kuna Dhameysta Caafimaad Camal iyo Cibaado Wanaagsan Insha allaah.
Gudoomiyaha Ayaa ugu Baaqey Dadka Wax Haysta Ganacsatada iyo Hay’adaha Gargaarka in ay Dadka Dhibaateysan ee Muslimiinta ah u Kaalmeeyaan Wixii Karaamkooda ah ee ay u Awoodaan,Sidoo kalena Lala Shaqeeyo Gudiyada Heer Qaran iyo Culimada wax u ururinaya Dadka ay Fatahaaduhu Wax yeeleeyeen ee Gudaha Gobolada Dalkeena Soomaaliya.
Ugu Danbeyntii Gudoomiye Timajilic ayaa Ugu aaqey Bulshada Soomaaliyeed In ay Midnimada Adkeeyaan,Colaadaha iyo Qabyaaladana Meel iska Dhigaan,Horumarka Dalkana Laga Qayb qaato,Si aan Umadaha Ugaarno Buu Hadalkiisa Kusoo Gunaanadey Gudoomiyaha Xisbiga M Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux Timajilic.
warsom2011@gmail.com