M/weyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi oo Mamul Goboleedyada uga Digey in ay Garab Siiyaan Xaaf.

0
516

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaanshi Carabey oo ku sugan degmada Cadaado ayaa ugu baaqay dowlad gobolleedyada dalka in aysan la safan garab ka mid ah dhinacyada iska soo horjeeda ee maamulka Galmudug.

“Waxaan uga digenynaa Madaxda dowlad goboleedyada oo maalmahan laga dhiganayay garab, Galmudug hal nin malahan, mana ahan inaad garab ka mid ah taageertaan, waxaan adinka codsaneynaa madaxda dowlad goboleedyada in aad dhammaantiina taageertaan mowqifka Galmudug, hadii aad arrintan soo faragelineysaan si dhexdhexaadnimo ah ku soo gala.” ayuu yiri madaxweyne Carabey.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xubin ka ah golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada ayaa uga digay dhinaciisa dowladda Soomaaliya in ay soo fara-galiso khilaafka Galmudug, kaddib markii Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ku baaqay kulan deg deg ah oo lagu xalinayo khilaafka jira.

Galmudug ayaa hadda u muuqata mid u kala jabtay labo garab oo fariisimo ka kala dhagtay Dhuusa-mareeb iyo Cadaado, dhinac walbana waxaa uu kan kale ku eedeeynayaa in uu uu jabiyay heshiiskii Jabuuti.

warsom2011@gmail.com