Hay’ado Sheegta in ay Yihiin kuwa Dhiirigeliya Qaybaha Bulshada oo Bahdilaad Ilhaano ku haya Bulshada Qaybaheeda.

0
71

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hayado Sheega inay Bulshada Ka Caawiyan waxyaabo Badan oo Daruuri u ah Noloshooda ayaa waxa ay Qaybaha Bulshada waxeyin Mudaba ah ku Hayeen Bahdilaad iyo Quursi Magac Dil ku ah Dadka Soomaaliyeed,Hay’adahan ayaa Waxaa kamid ah Hay’adda CREATIVE,CAISA,USAID, iyo Kuwa kale Waxeyna Caado ka Dhigteen In ay Soo Kaxeystaan Shaqsiyaad kasoo Jeeda Dalka Mareykanka iyo Ingriiska kuwaasoo Bulshada Qaybaheeda ugu Yeera in ay Tababaro Siinayaan La Xiriira Dhiiri gelinta Dimuquraadiyada,Caafimaadka,iyo Waxbarashada,Kadibna Dadka Sawiro ka Qaata.

Qaybaha Bulshada Hay’adahan Hore ugu Gacan Sayrey Waxaa kamid ah Axzaabta Siyaasadda oo Kadib markii ay arkeen Wax qabadkooda Iyo Sida ay dadka Soomaaliyeed u Bahdilayaan Hawlahooda ka Gaabsadey ayaa Hadda waxa ay bilaabeen in ay u Tagaan Gudiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Kana Dhaadhiciyaan In ay Tababar Siinayaan Xisbiyada,kadibna Emailo usoo Diraan Xisbiyo Aan Wali Shahaadada KMG ah Qaadan Isla markaasna Markii Loo Tagey Xubnihii ku Yiri waa Maxey Caqabadaha iyo Gabood falka ay idinku hayaan GMDQ marka aad Diiwaan gelin Warsataan,Halkii Tababar laga Sugayeyna ay u Badeleen ISKU DIRIDDA XISBIYADA IYO GUDIGA MADAXABANNAAN EE DOORASHOOYINKA QARANKA SOOMAALIYA.

Hay’adahan aan Magacyadooda Kor Kusoo Sheegney ayaa Waxa ay Wakiilo Ka dhigteen Shaqsiyaad Soomaali ah Marna u ah Turjubaano,Hase yeeshee aan Dareensaneyn Gabood falka Dadkooda Lagu Sameynayo,waxaa Iyaduna Arin lala Yaabo ah in Hayadahani ay Masuuliyiintii ayu u yeereen ku Maamuuseen Lacag &10 dolar ah Taas oo meel ka dhac iyo Bahdilaad ku ah Dadka Soomaaliyeed.

Madax iyo Masuuliyiin Axzaabta Siyaasada Kamid ah ayaa Gudiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xukuumadda Ka codsadey in aan Hay’adahan wax Macaamilah in ay la yeeshaan Qaybaha Bulshada Soomaaliyeed aan Loo Ogolaanin Maadama aaney Wax Faa’iido ah aysan gudbineyn ee Barnaamijkoodu kusoo Ururey oo Keliya Isku Dirid iyo in ay Fillimo Qaataan,Sidoo kale Qaybaha Bulshada uga digey Hay’ado Koox isku Sheegeysa Dano kale oo Gaar ahna wata,Doonayana inay dadka Isku Diraan.

LASOCO QAYBO KALE OO KA HADLAYA HAY’ADAHAN IYO KUWA KALE WAXYAABAHA AY BULSHADA DHEXDEEDA KU HAYAAN.