Deegaano Ka Tirsan Gobolka W/Bari Kenya oo Alshabaab Weerar ku Qaadeen.

0
524

Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa ayaa lagu waramayaa in ay weerar ku qaadeen deegaanno ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya oo la sheegay in ay saacado kooban ku sugnaayeen.

Gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Komor Xayle oo ku yaalla degmadda Mandhera oo u dhow xuduudka Kenya la wadaagto Soomaaliya ayeey Al-shabaab xalay galeen.

Al-shabaab ayaa dadka deegaanka la hadlay, islamarkaana u jeediyay khudbado sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Waxaa la sheegay in ay tageen goobo Iskuul iyo sidoo kale masaajid ku yaalla degaankaasi,islamarkaana ay bulshadda u sheegeen in ay gacanta ku hayaan degaanka.

Ciidamada Booliiska Kenya oo markii hore deegaanka isaga baxay ayaa la sheegay in ay dib ugu laabteen markii ay halkaa isaga tageen dagaalayhannada Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii weerarro kala duwan ku qaadaayay deegaano ku yaalla gobolka Waqooyi ee dalka Kenya.

warsom2011@gmail.com