R/Wasaaraha Cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed oo Maanta Xilka Loo Dhaarinayo,Barlamaanka Hortiisa.

0
443

Baarlamaanka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta si rasmi ah u meelmariyo ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya oo loo dhaarin doono in uu noqdo Abiy Ahmed oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha Xisbiga tallada dalkaasi haya ee EPRDF.

Abiya oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada ayaa badali doona ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo si lama filaan ah isku casilay 15 bishii Feberaayo ee sanadkan.

Marka loo dhaariyo xilka ra’iisal wasaaraha cusub Abiy waxaa la leeyahay waxaa uu dhaxli doonaan xaalad siyaasadeed oo aad u qalafsan, dhaqaale xumo, kacdoon siyaasadeed iyo xaalad deg deg ah oo uu dalku ku jiro.

Waxaa looga fadhiyaan in uu mideeyo kala qeybsanaanta siyaasadeed ee jirta iyo waliba uu wajahad cusub u yeelo guud ahaan siyaasada dalka Itoobiya oo waayadii ugu danbeeyay siweyn leysugu maandhaafsanaa.

Lama oga waxaa xaalada dalka uu ka badali doono marka xilkan loo dhaariyo xilin iyo in ay ku qanci doonaan dadka Oromada ah ee kacdoonka siyaasadeed ee ka wada dalkaas oo in muddo ahba tirsanayay cadaaallad daro dhinaca hogaanka sare ee dalka ah.

warsom2011@gmail.com