Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay 24 masuul oo iskugu jiray kuwo cusub iyo kuwii hore usii joogay oo uu dib u magacaabay.
Mas’uuliyiintan la magacaabay ayaa u badan agaasimeyaal guud, waxaana markii hore xilka hayey masuuliyiintii hore ee la shaqaynayey madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo.
Sidoo kale,waxa xilkii laga qaaday Badhasaabkii gobolka Gabiley Maxamuud Saleebaan Ramaax oo noqday masuulkii ugu mudadda gaabnaa ee xil laga qaaday, waxaana bishii Janaayo 29,2018-kii loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Gabiley, waxaanu xilka hayey muddo ku siman laba bilood.
24 qof ee xilalka kala duwan loo magacaabay ayaa kala ah kuwan hoos ku qoran:
1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
2. Cali Xuseen Nuur Beegsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
3. Dr. Axmed Cali Maax Warsame Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha
4. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
5. Prof. Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray) Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
6. Xuseen Maxamuud Maxamed Xasan Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda
7. Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska
8. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta
9. Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
10. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
11. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga
12: Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha
13. Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil Bile Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
14. Cali Maxamed Cali Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
15. Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
16. Axmed Muuse Muruud Muxumed Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
17. Cabdikariim Xuseen Siciid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
18. Cabdillaahi Maxamed Xaaji Ducaale Safiirka Somaliland u fadhiya Midowga Africa
19. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indha-balac) Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
20. Axmed Cismaan Xasan Cilmi (Tima-cadde) Guddoomiyaha Gobolka Saaxil
21. Mustafe Cabdi Muuse Nuur Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle
22. Khadar Baaruud Cumar Cabsiiye Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex
23. Maxamuud Ibraahin Axmed Ducaale (San-dheere) Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil
24. Faysal Aw Jaamac Xirsi Xawte(Ilka-case) Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka
Masuuliyiinta aan xilka ka qaaday waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii shaqo, muddadii ay xilka Qaranka hayeen.
warsom2011@gmail.com









