Ciidamada amniga ee dowlada Federalka Soomaaliya ayaa xalay Howlgalo Baaritaanno ah oo lagu xaqiininayo amaanka ka sameeyeen labo degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Howl galada ayay ciidamadu ka sameeyeen dagmooyinka Shibis iyo Xamar-Weyne ee gobolkaan Banaadir waxayna ka dambeysay kadib markii sida la sheegay ciidamo nabad sugid ah Bam gacmeed lagu weeraray degmada Shibis halka degmada Xamar-Weyne oo xalay lagu dilay guddoomiye Waaxeed.
Maxm’ed Cabdullahi Tuulax Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka gobalka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkan ay ciidamada Amaanka ee magaalada Muqdisho,ku soo qabqabteen dhalinayaro fara badan oo looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab waxuuna intaasi ku daray in raggan dhalinyarada ah hadda ay ciidamadu ku hayaan baaritaanno iaxii ka soo baxana ay warbaahinta la wadaagi doonaan.
Si kastaba maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay falalka amniga daro ah, sida dilalka Qorsheysan iyo Qaraxyada iyadoona mas’uuliyiinta dowladda iyo maalmulka gobolka Banaadir ay shaaciyeen in si deg deg ah arrintaasi wax looga qaban doono.
warsom2011@gmail.com









