Dawladda Soomaaliya oo Daah Furtey Daneeyeyaasha Bedqabka Saxafiyiinta iyadoo Muran iyo ismaan dhaafna ka dhashey.

0
510

 

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ahna Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yooniis, ayaa daahfuray Hab-Raaca qaran ee Badbaadinta Saxafiga, oo ah kii ugu horeeyay ee laga hirgaliyay dalalka ku yaalla Bariga Afrika.

Wasiirka ayaa tallaabo guul ah ku tilmaamay go’aanada ka soo baxay shirka muddada labada maalmood u socda daneeyayaasha badbaadinta saxafiyiinta, waxayna go’aan ka gaareen qaab-dhismeedka, howlaha iyo maamulka guddiga horkacaya Hab-Raaca.

Daneeyayaasha ka socday Warbaahinta, dowladda, ururada xuquuqda aadanaha iyo bulshada rayidka, ayaa maalmihii Sabtida iyo Axadda ee 21 iyo 22 April 2018 ku kulmay magaalada Muqdisho si ay u abuuraan Hab-Raaca qaran ee badbaadinta saxafiyiinta.

Kulankta, oo ay qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, oo ay taageerayaan UNESCO iyo hey’adaha caalamiga ah ee caawiya Soomaaliya ururka ay ku midoobeen ee Taageerada Warbaahinta Soomaaliya (SMSG). Waxay jawaab ka soo saareen qaabka loola tacaali karo dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ee aan loo ciqaabin ciddii ka dambeysay.

Kulanka labada maalmood, ayaa qeybaha warbaahinta ee dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayen waxay ka tashteen sida ugu wanaagsan ee loo abuuri karo Hab-Raac ah ku dhan yihiin dhamaan daneeyayaasha badqabka saxafiga iyo sidii dowladda looga taageeri lahaa la tacaalidda arrimaha la xiriira tallaabo ka qaadis la’aanta dambiilayaasha aan la ciqaabin ee geysta dambiyada lagula kaco saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Kulanka, ayaa si wadar-ogol ah ugu codeeyay in la sameeyo Guddiga Qaran ee Xiriirinta howlaha Badqabka Saxafiga, oo ka koobnaan doona 11 xubnood oo loo qeybsanayo sida soo socota:

warsom2011@gmail.com