Ururka Daacish ee Soomaaliya oo Sheegtey Hawlgal ay Boosaaso ka Fuliyeen/Muxuu la xiriiraa Hawlgalkaasi?.

0
621

 

 

 

 

 

 

 

Kooxda Daacish ee fadhigeedu  yahay Bariga dhexe isla markaana ku dhuumalaysanaysa qaybo kamid ah buuraha Gobolka Bari ayaa sheegatay dil toogasho ah oo xalay ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Weerarkan oo  lagu dilay qof shacab ah ayaa  sidoo kale waxaa lagu dhaawacay taliye ku xigeenkii Saldhiga Boosliska ee Baalade C/rixmaan Barre Saalax,waxaana sida la sheegay weerarkan fuliyay dablay labo ka kooban oo ku hubaysnaa Baastoolado.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo howl-gallo ka sameeyay goobta uu dilka ka dhacay ayaan ka hadlin natiijada howl-galkii xalay oo lagu baarayay gaadiidka dadweynaha ee adeegsada laamiga weyn ee Bosaaso.

Dilka ayaa ka dhacay goob mehrad ah oo loogu caweeyo ,taaasi oo aan wax badan ka fogayn Afar-Idoodka oo kamid ah goobaha ugu mashquulka badan magaalada Bosaaso , xiliyada habeenkii ah.

Ugu danbayn, Daacish ayaa horaantii sanadkan laga saaray deegaano hoostaga gobolka Bari oo ay gacanta ku dhigeen ,inkastoo wali ay weeraro goos-goos ah ka fuliyaan qaybo kamid ah gobolka gaar ahaan magaalada Bosaaso.

warsom2011@gmail.com