Deegaanka Bariire oo ay Xaley Mar kale Weerar ku Qaadeen Dagaal yahanada AL-shabaab.

0
692

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Barriire ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo saacado badan qaatay mar kale uu xalay halkaa ku dhaxmaray xoogag ka tirsan Al-shabab iyo ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerar ku bilowday madaafiic ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Milateriga ku leeyihiin deegaankaas, halkaasoo Jimcihii la soo dhaafay ay weerareen, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid xoogan oo socday muddo labo saac, iyadoo ciidamada dowladda ay iska difaaceen.

Faarax Maxamed Cabdi oo ah guddoomiyaha degmada Awdheegle ayaa sheegay in ciidamada dowladda iska caabiyeen weerar ay soo qaaden dagaalamayaasha Al-shabaab.

Lam oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka oo leysku adeegsaday madaafiicda qoriga hoobiyaha iyo rasaas culus.

warsom2011@gmail.com