
Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa beeniyay in ciidamada militariga ku sugan deegaannada Galmudug qeyb ka yihiin xiisada siyaasadeed ee halkaa ka Aloosan.
C/llaahi Imaan oo ah afhayeenka taliska militariga ayaa sheegay in waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in ciidamada militariga dowladda Soomaaliya ku lug leeyihiin khilaafka siyaasadeed ee Galmudug.
‘’Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waa ciidamo Qaran, ee ma’aha ciidamo beelleed, waxaa ay si toos ah uga amar qaataan taliska ciidamada militariga Soomaaliyeed oo uu hogaamiyo Jen Axmed Maxamed Jicmaale’’ ayuu yiri afhayeenka.
C/laahi Iimaan ayaa dhammaan dowlad goboleedyada ka jira dalka wuxuu ugu baaqay in ay dhowraan sharafta, iyo agabka ciidamada, wuxuuna ciidamada ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan arrimaha siyaasadeed.
Dhawaan ayeey aheyd markii xildhibaanadii dhaxdhaxaadinta u tagay Cadaado dibada uga saareen magaalada ciidamo qaarkood ku labistaa dareyska ciidamada xoogga dalka kuwaa oo qeyb ka ahaa xiisada jirta kalana taageersanaa dhinacyada iska soo horjeeda.
warsom2011@gmail.com



