Maxamed Cali Afgooye oo Xukuumada Soomaaliya u Magacawdey Hanti dhawrka Qaranka.

0
598

Kulan gollaha wasiirada ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa loo magacaabay in hanta-dhowrka guud ee dowladda uu noqdo Maxamed Cali Afgooye oo badalaya Hanti-dhowrihii hore ee dowladda Nuur Faarax oo bishii hore ee May shaqada laga fariisiyay.

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo jeediyay Hanti dhowrka Guud ee Qaran in loo magacaabo Mudane Maxamed Cali Afgooye.

Hanti dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Nuur Faarax ayaa horay sharci darro ugu tilmaamay xil ka qaadistii ay ku sameeyeen golaha wasiirada, laakiin markii danbe wareegto uu soo saaray madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu xoojiyay go’aankii ay golaha wasiirada ka qaateen taasoo keentay in uu sidaa xilkiisa ku waayo, isaga oo lagu eedeeyay dilkii wasiirkii Howlaha Guud Cabaas Siraaji oo uu ka dambeeyay nin ilaalo u ahaa oo maxkamadda ciidamada ay ku xukuntay dil toogasho.

warsom2011@gmail.com