Galmudug oo ka cabaneysa Lacagaha SHillin Soomaaliga ee aan laga isticmaaleyn Maamulkaas.

0
349

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-gobolleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa ku baaqay in laga qeyb qaato xal u helista diidmada lacagaha Shilin Soomaaliga ah.

Muddooyinkii ugu dambeyeey deegannada Galmudug waxaa ka taagnaa xaalado adag, kadib markii ganacsatada ay diideen in ay qaataan lacagaha shillin Soomaaliga ah.

Arrintan ayaa ka dambeysa kadib markii ganacsatadu ay ku doodeen in lacago been abuur ah suuqyada la soo galiyay.

Arrintan ayaa marka laga yimaado saamaynta suuqyada iyo wax kala iibigisa ay ku yeelatay waxa ay sidoo kale iyagana saamaysay dadkii danyarta ahaa ee suuqyada ka xoogsan jiray iyo kuwii nolol ahaan iyaga ku sii tiirsanaa.

Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa sidoo kale ka hadlay dagaallo salka ku haya aano qabiil oo dhawaan ka dhacay degaanno hoos yimaada maamulka Galmudug.

“Waxaan ka codsanaynaa dadka qurba joogta ah iyo ganacsatada in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha, iyo in laga wada shaqeeyo xal u helista diidmada lacagaha shilin Soomaaliga ah, sidoo kale waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanada Galmudug”ayuu yiri Madaxweyen kuxigeenka Galmudug.

Suuqyada magaallaaada Gaalkacyo iyo deegaano kale oo katirsan Galmudug ayaa laga diiday qaadashada lacagaha shillin Soomaaliga ah taasi oo saameyn ku yeelatay nolosha bulshada.

Magaalladda ayaa waxaa wax lagu kala gataa Dollar ama lacagaha lagu qaato telephone-nnada.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudan Xasan Cali khayre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso soo saarista lacago cusub oo dalku yeesho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkaasi ka sheegay mar kormeer  shaqo uu ku tagay Bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa maamulka  Bankiga dhexe ee Soomaaliya  kala hadlay  soo saarista  lacag cusub oo dalku yeesho , tayeynta  shillinka Soomaaliga iyo qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo dhibaatadda  dhaqaale ee ka dhalan karta  adeegsiga lacagaha  been abuurka ah  ah.

warsom2011@gmail.com