Wasaaradda Amniga gudaha ayaa ka hadashay weerarkii caawa ka dhacay inta u dhexeysay maqaayadda Posh iyo Pizza_house oo ah meel ay dhallinyarada ku kulmaan ee ku taala agagaarka Isgoyska Benaadir ee degmada Hodan.
Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku sugan goobka uu ka dhacay Qaraxa, waxaana sidoo kale gaaray Masuuliyiin ka tirsan dowladda.
Halka uu Qaraxa ka dhacay ayaa La soo sheegayaa in Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa lagu Qarxiyay Banaanka Hore ee Maqaayadda Posh.
Inta la ogyahay ilaa iyo Sagaal Qof ayaa ku dhimatay waxaana sidoo kale dhaawacmay dad kale kuwaas oo haatan la geeyay Isbitaalada magaalada Muqdisho.
Waxaa socda Baaritaano ay wadaan Ciidanka Ammaanka ee dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen Saraakiisha dowladda





