War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa lagu sheegay in uu amar ku bixiyey weerar qorsheysan oo lagu qaadey saldhig ururka al-Shabaab ku lahaayeen degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe subaxnimadii maanta.
Sida lagu sheegay warka ka soo abxay xafiiska Madaxweynaha Saldhigaa ayaa loo itsicmaali jirey tababarada.
Hawlgalkan waxaa fuliyey ciidanka Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran oo taageero ka helaya ciidamo caalami ah oo Soomaaliya saaxiib la ah sida lagu yiri warka ka soo abxay Madaxtooyada.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in hawlgalkaan lagu guuleystey uu dhabar jab ku yahay awoodda ururka al-Shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in ay amniga mudnaanta kowaad siinayaan, si dalka loox asiliyo.










