Xarunta kmg ee G/mudug oo ay gaareen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal.

0
612

Waxaa goor dhaw oo maanta ah gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah maamulka Galmudug wafdi ka socda labada aqal ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida uu warsom u sheegay wariye ku sugan magaalada Cadaado wafdiga waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa, oo ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in xal u helida xiisada siyaasadeed ee halkaa ka jirta.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay iska arkaan ama kulamo la qaataan wasiirada iyo xildhibaannada Galmudug, sidoo kalana waxaa ay kulamo la qaadan doonaan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka.

Odayaasha magaalada Cadaado ayaa ilaa maanta ku howlanaa dadaalo lagu xalinayo xiisadda ka jirta magaalada Cadaado.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii iska horimaadka ka dhacay degmada ku dhinteen labo askari, waxaana iska horimaadkaa uu salka ku hayay kala qeybsanaanta siyaasadeed ee ka jirta Cadaado.

warsom2011@gmail.com

hormuud logosalaam bankbeccotabaarak