Weerarkii Ceel Cadde Askri ka badbaadey oo ka hadley tirada Kenya uga dhimatey.

0
676

Munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii ka soo wareegtay weerarkii cuslaa ee Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig militari oo ay Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo, ayaa waxaa ka qeyb-galay 400 oo qoys oo intooda badan lagu dilay weerarka dad ay isku qoys ka soo jeedeen.

Munaasabada oo ka dhacday gudaha dalka Kenya ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-gallay qaar kamid ah askartii ka badbaaday weerarkii sanad ka hor ka dhacay saldhiga deegaanka Ceel-cadde.

Mid ka mid ah saraakiishii ka badbaday weerarka ayaa sheegay tirada askarta lagu dilay deegaanka Ceel-cadde.

13 askari ayuu sheegay in Al-shabaab dagaalka ku qabteen iyaga oo nool, halka 173 askarina ay ku dhinteen weerarka sida uu hadalka u dhigay sarkaalka.

Waa markii ugu horeysay oo xubno ka tirsan dowladda Kenya laga helaa xog la xiriirta askarta kaga dhimatay weerarkii sanad ka hor Al-shabaab ka geysteen deegaanka Ceel-Cadde.

Ugu danbeyntii, wararkii Ceelcade ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee lagu bartilmaameesado saldhig ay degan yihiin ciidamada qeybta ka ah howlgalka midowga Africa,

warsom2011@gmail.com

hormuud logobeccosalaam banktabaarak