SHirkado ganacsi oo lagala noqdey Ruqsada Sarifka Lacagaha.

0
296

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, wasiirka Ganacsiga, wasiir ku xigeenka Maaliyadda iyo Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka hadlay taalooyinka laga qaadayo sicir bararka jira iyo amaawiir ay ka soo saareen shirkadaha waaweyn ee sarifka oo rusqadihii ay ku shaqaysan jireen lagala noqday.

Sidoo kale, Taliyaha booliska C/laahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in ay talaabo ka qaadi doonaan ciddii ka hor timaadda amarka madaxweynuhu ku xalinayo sicir bararka sarifka ee wadanka ka jira.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cali Axmed Maxamed ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi doonno cidii ka hor timaadda go’aanka ka soo baxay golaha Wasiiradda ee wax lagaga qabanayo sicir bararka jira
“Waa nasiib daro cidii ka hor taamada go’aankaasi golaha wasiiraddu gaadheen, cid kasta oo ka hor timaada waxaanu ka  qaadaynaa  talaabo sharciga waafaqsan, mana jirto wax baqdin aanu ka qabno inay ka hor iman karto”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cali Axmed.

Wasiirka oo ka jawaabayey dhowaaq diidmo ah oo ka soo yeedhay shirkadda Telesom oo iyadu sheegtay inay khalad tahay in boqol dollar wax ka yar aan Zaadka loo isticmaali Karin waxa uu yidhi “ ninkaasi u hadlay Telesom nin aanu saaxiibnahay weeyi waxayna ahayd arrin aanu layaabnay, waxaanay arrintaasi cadaynaysaa inay dhiigmiirad yihiin, sababta go’aamaddan loo soo saaray waxay ahayd mid shacabka dhibaatadda haysta wax lagaga qabanayo”

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahim Dhoobaale ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay fulayaan go’aamaddii ka soo baxay golaha Wasiiradda ee wax lagaga qabanayo sicir bararka, waxaanu sheegay inay rusqaddii xaga sarifka ee ay haysteen shirkadaha waaweyn ee Telesom, Dahabshiil iyo Oomaar lagala noqdo, isla markaana aanay waxba sarifi Karin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in 48 saacadood Shirkadaha TELESOM iyo Dahabshiil Nidaamkooda xisaabeed ka saaraan wixii boqol dollar ka yar in aan loo isticmaali Karin mobile oo loo bedelo Shiling Somaliland.

“waxaanu maanta fulinaynaa  go’aankii ka soo baxay madaxweynaha ee ahaa in wax laga qabto oo sicir bararka jira, maanta ayey dhaqangashay, waxa kale oo wareegtadda ku jira in Zaad iyo Edahab systemkoodda ka saaraan wixii boqol dollar ka yar, waxaana haystaan 48 saacadood gudahood inay kaga saaraan boqolka dollar wixii ka yar, wixii intaas ka dambeeya dambi ayaa ka dhalanaya, qodobka labaad ganacstadda sarifleyaasha sida Telesom, Dahabshiil iyo Oomaar, maanta laga bilaabo rusqadii ay wax ku sarifayeen waa lagala noqday, wax sarif ah oo ay ku jirayaan ma jirto, waxa kale oo ka mid ah Bangiyadda Gaarka looleeyahay, laga bilaabo maanta waa inay bangiyadooddu galiyaaan Shiling Somaliland, dhamaan sarifleyaasha suuqa jooga  ee liisankooddu dhacsan yahay waa inay liisankooda dib usoo cusboonaysiiyaan lama ogolaandoonno Sarifle aan liisan haysan “ayuu yidh Guddoomiyaha Baanka dhexe Dhoobaale.
Wasiirka Ganacsiga Shucayb Cumar Maxamuud ayaa sheegnay in wareegtadda ka soo baxday xafiiska madaxweynuhu ahayd 13 qodob, taas oo maanta aanu fulinayno, waxaanu yidhi  “ arrintan madaxweynuhu wuxuu u saaray guddi  soo lafa gura arrimaha keenaya sicir bararka iyo hoos u dhaca lacagteen,  waxyaalaha kicinaya oo dhan 13 qodob ayaa laga soo saaray, madaxweynuhu wareegto ayuu ku lifaaqay oo golaha wasiirada waa lagaga dooday, waxaan halkanka sheegayaa dhamaan goobaha waxbarashadda haday tahay jaamacadaha, dugsiyadda iyo mdarasadaha waxa la isticmaalayaa Shiling Somaliland”ayuu yidhi

Dhinaca kale Taliyaha booliska Somaliland Gen: C/laahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in ciidanka heegan ugu jiraan inay sharciga hor keenaan cidii ka hor timaadda go’aanka madaxweynaha, waxaanu fariin u diray cid kasta oo ka hor timaadda in xabsiga loo taxaabi doonno.

“ciidamada qaranka Somaliland ee kala duwan waxay u igman yihin awaamiirta ka soo baxday dawlada Somaliland,  shacabka waxaan l eeyahay sidii aad awal horeba ula shaqayn jirteen cidii amarkaasi ka hor timaadda inaad la soo socodsiisaan saldhigyada booliska, waxaan uga digayaa cid kasta oo ka hor timaada go’aankaasi madaxweynaha in ciidanku ku qasban yahay inay sharciga hor keenaan”.

Si kastaba ha ahaatee, waxa markiiba isbedel weyni ku yimid dhinacii sarifka, waxaana maanta halka dollar lagu sarifayey todoba kun halka uu maalmihii hore gaadhay sideed kun iyo afar boqol, waxaana saaka xabsiga loo taxaabay sariflayaal  qiimo ka  badan todoba kun ku sarifay.

warsom2011@gmail.com