Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee xarunta KMG u ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ay socdaan kulamo iyo shirar lagu xalinayo xiisada siyaasadeed ee halkaa ka jirta, kaddib iska horimaad ay dad ku dhinteen oo maalintii shalay halkaa ka dhacay.
Odayaasha iyo wax garadka degmada oo tan iyo shalay ku howlanaa sidii xiisada loo dajin lahaa ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin shaqaaqo danbe oo ka dhacday degmada oo ka mid ah ah deegaannada ugu amaanka badan gobollada dhexe.
Dadka ku dhaqan degmada Cadaado ayaa cabsi ka qaba dagaal mar kale dhaxmara ciidamada kala taabacsan madaxtooyada iyo xildhibaannadii dhawaan kalsoonida kala laabtay Cabdikariin Xusseen Guuleed, kuwaa oo wada dhaqdhaqaaqyo militari.
Qaar ka mid ah xildhibaannada Galmudug ayaa ku eedeeyay falkii maalintii shalay ka dhacay degmada madaxtooyada oo ay ku sheegeen in laga soo abaabulay ciidamada weeraray xarunta ay ku shiraan xildhibaannada.
Ugu danbeyntii, hoteellada iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada ayaa lagu arkayaan ciidamo hubeysan oo amniga siweyn u sugaya.
warsom2011@gmail.com









