Gudoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya md Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa Hambalyo iyo bogaadin u direy gud.kuxigeenada cusub ee barlamaanka 10’aad md C/weli Muudeey iyo Mahad Cabdalla Cawad isagoo ugu hambalyeeyey Xilka cusub ee loo doortey,isagoo u rajeeyey hufnaan karti iyo hugaamin wanaagsa in ay la imaan doonaan illaahna hala garrab galo insha allaah.
Sidoo kale Gudoomiyaha Isbaheysigu waxa uu amaan iyo bogaadin u direy shir gudoonkii kmg ahaa iyo gudiga oorashada gudoonka barlamaan isagoo ku bogaadiyey hawsha quruxda badan ee ay soo qabteen tan iyo markii loo igmadey hawlaha barlamaanka iyo in ay gudoon la doortey soo gaarsiiyeen xubnaha Golaha shacabka.
Ugu danbeyntiina Timajilic ayaa ku amaaney guud ahaan xubnaha barlamaanka federalka soomaaliya siii mas’uuliyadu ku jirtey ee ay u doorteen hugaanka Barlamaanka soomaaliya isagoo ka codsadey barlamaanka in ay dhameytiraan isbedelka iyo horumarka dalka doortaana Cid qaanka dalka u hugaansan Boob iyo tuugo ka hufan isla markaana ogol in uu ku shaqeeyo awoodaha dastuurku siinayo kuna mashquuleyn hay’adaha dalka shaqooyinkooda..
warsom2011@gmail.com









